Dowladda Mareykanka oo ka qayb qaadaneysa dib-dhiska ciidamada Soomaaliya


Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ka qeyb qaadaneeyso dib-u-dhisidda ciidamada Ammaanka wadanka Soomaaliya, si looga hortago burcad badeedda halista gelisay marinnada badeed ee halbowlaha u ah ganacsiga adduunka.

 

Diblumaasi  Mareykan ah ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay bixin doonto dhaqaalaha ku baxaya dhisitaanka ciidamo ammaan oo ay dowladda Soomaaliya yeelato iyo sii wadidda dadaalka loogu jiro in nabad waarta lagaga dhaliyo waddanka Soomaaliya.

 

Ku simaha kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada dowlada Mareykanka ee arimaha Africa Mr. Phillip Carter ayaa sheegay in maamulka Madaxweyne Obama ay ka go’an tahay in xukuumada Soomaaliya ay kala shaqeeyaan sidii ammaan iyo xasilooni loogu soo dabaali lahaa isla markaana loola dagaalami lahaa kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

 

Mr Phillip oo dowlada Mareykanka  u matalayay shirka dowlada Soomaaliya lacagaha loogu yaboohayo oo 23-ka bishani ka furmi doona magaalada Brussels ee  dalka Belgium ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in dowlada Mareykanka ay ka shaqeyneyso sidii loo heli lahaa xasilooni ka hirgasha dalka Soomaaliya iyadoo loo sii marayo xukuumad wax tar leh oo la tacaasha mishaakilka ammaanka iyo burcad badeednimada.

 

Waxa kale oo uu  intaas ku daray in sidoo kale Mareykanku uu gacan ka geysan doono tababaridda ciidamada booliiska Cusub ee Soomaaliya kuwaasi oo ay sheegeen in tiradooda ay gaareeyso illaa 5-kun oo Askari.

 

Arinkani ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili dowlada Mareykanka ay dadaal ugu jirto in beesha Caalamka ay ku cadaadiso sidii loo heli lahaa qaab lagula tacaalo mishaakilka Amman darida iyo Burcad badeeda ee ka taanga Soomaaliya,iyadoo lagu wado in arimahaasi looga doodo shirka ka dhacaya magaalada Brussels ee wadanka Belgium.


Add New Comment