Maxaakiimta islaamiga oo Al shabaab ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen dilalka ka dhacayay Muqdisho sheegayna in ay ka hor tagi doonaan


Maxaakiimta islaamiga ayaa ururka  Al shabaab ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen dilalka ka dhacayay Muqdisho sheegayna in ay ka hor tagi doonaan.

 

Afhayeenka dhanka howlgalada maxaakiimta islaamiga Shiikh C/raxiin Ciise Cadoow oo xalay la hadlayay idaacada Shabelle ayaa ururka Al shabaab ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen dilalkii ugu danbeeyay ee labadii maalin ee la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan dilalkii loo geystay xilidhibana Cabdullaahi Ciise Abtidoon  iyo shariif Kariye oo ka tirsanaa saraakiisha maxaakiimta islaamiga kaasi oo shalay galinkii hore lagu dilay qeybo ka mid ah wadada warshadaha.

 

Shiikh C/raxiin Ciise Cadoow ayaa sidoo kale tilmaamay in ururka Al shabaab ay ka danbeeyeen  isku daygii lagu doonayay in lagu qaarajiyo wasiirka arimaha gudaha dowlada kmg Soomaaliya Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo ay u hayaan cadeeymo dhab ah,waxaana uu tilmaamay in ay doonayaan in ay fuliyaan falal kale oo ay ku qaarajinayaan madax kale oo ka tirsan maxaakiimta.

 

Mar uu sheikh C/raxiin ka hadlayay iska fogeynta ururka Al shabaab ee ku aadan ka danbeeynta dilalkii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in aysan waxba ka jirin oo ay digniin horay ugu jeediyeen qaar ka mid ah raga la dilya gaar ahaan xildhibaan C/llaahi Ciise Abtidoon iyo Shariif Kariye oo ka tiranaa maxaakiimta islaamiga ka hor inta aan la dilin.

 

Ugu danbeeyntii waxaa uu sheegay in gacmaha aysan ka laaban doonin falalkani guracan oo uu tilmaamay in ururka Al shabaab ay kula dhaqaaqayaan Masuuliyiinta Maxaakiimta,waxaana uu intaasi ku daray in horayba ay uga war sugayeen gudiga Culumaa’udiinka iyo odayaasha dhaqanka hase ahaateen ay siinayaan fursada yar hadii ay ka war keenayaan.

 

Hadalkani ka soo baxay Afhayeenka dhanka howlgalada maxaakiimta islaamiga Shiikh C/raxiin Ciise Cadoow ayaa waxaa uu ka danbeeyay kadib markii labadii maalin ee ugu danbeeysay dilal kala duwan loogu geystaay gudaha magaalada Muqdisho Mudane ka tirsan baarlamaanka  iyo Shariif Kariye oo shalay galinkii hore lagu dilay qeybo ka mid ah wadada warshadaha waana markii ugu horeeysay ee Maxaakiimta ay ururka Al shabaab ku eedeeyaan dilalka ka dhaca magaalada gaar ahaan dilkii shalay ugu danbeeyay si dhab ahna looma oga halka ay ku danbeeyn doonto Xaalada xiisadani taagan.


Add New Comment