Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Soomaaliya oo sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono kuwa dilalka qorsheysan ka geysta magaalada Muqdisho


Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar ayaa si caro leh uga hadlay falalka dilka ah ee sida qorsheysan uga socda magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu ku sheegay in shalay iyo maanta lagu dilay magaalada mas'uuliyiin  ka tirsanaa Maxkamadaha iyo dowladdaba.

Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo aan horey looga baran inuu erayo kulkulul u adeegsado dhinaca warbaahinta ayaa sheegay  in aan la iska fiirsan doonin dilalka qorsheysan, wuxuuna ku cagajugleeyey inay tallaabo adag  ka qaadi doonaan kuwa ka dambeeya dilalka ayna garanayaan cidda ay yihiin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar waxa kale oo uu sheegay sheegay inuu ka dhamaaday dulqaadkii, isla markaana aysan u sii dul qaadan karin waxyaabaha hada dhacaya, isagoona cadeeyay inay jawaab ka bixin doonaan.

"Runtii shalay waxaa la dilay Xildhibaan ka tirsanaa Ragii Maxkamadaha, maantana waxaa la dilay labo nin oo mid uu ahaa Sarkaal, marka dilalkaas wuxuu qeyb ka yahay dhibaatooyinka laga wado Magaalada oo dadka aan waxba galabsan loo geysanayo"ayuu yiri Sheekh Cabdulqaadir.

Sheekh C/qaadir ayaa sidoo kale tilmaamay inay wadaan qorshayaal kala duwan oo looga hortagayo dilalka qorsheysan, iyadoona uu shacabka ugu baaqay inay iska dhiciyaan kuwa dhibaatada u geysanaya sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku soo aadaya, xilli saaka Wadada Warshadaha lagu dilay Sarkaal ka tirsan Maxkamadaha, kaasoo lagu magacaabayay Shariif Maxamuud Xasan (Kariye) waxaana lala dilay wiil ilaalo u ahaa, mana jirto ilaa iyo hada cid sheegatay inay ka dambeysay.

Add New Comment