Ciidamada badda ee Wadanka Faransiiska oo gacanta ku dhigay 11-burcad badeeda Soomaali ah xili ay ugaarsanayeen maraakiib shisheeye.


Ciidamada badda ee  Wadanka Faransiiska  ayaa waxaa ay  gacanta ku dhigeen 11-burcad badeeda Soomaali ah xili ay ugaarsanayeen maraakiib shisheeye.

 

Wasaaradda gaashaandhiga faransiiska ayaa sheegtay in ay xirtay 11-Burcad badeed Soomaali ah xilli ay weerar ku qaadeen markab ay kooxaha burcad badeedda u isticmaalayeen in ay ku ugaarsdaan maraakiibta kale sida ay qortay wakaalada wararka AFP maanta.

 

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxa ay sheegtay in Markab dagaal oo Faransiisku leeyahay oo lagu magacaabo Nivose uu gacanta ku dhigay markabkan xili uu marayay meel 9000 km u jirta dhanka bari magaalada Mombasa ee dal Kenya.

 

 Kooxahan ayaa la tilmaamay in hadda lagu hayo gudaha markabka sida ay sheegtay Wasaarada Gaashaandhiga Faransa.

 

Faransiiska ayaa horey u dilay kooxo ka tirsan burcad badeedda Soomaaliya xili ciidamada Commandos Faransiisku ay weerar ku qaadeen dooni yar oo ay kooxaha burcaddu ku haysteen illaa 4-qof oo faransiis ah.

Add New Comment