Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo goor dhow lagu dilay Jidka Warshadaha

Kooxo Hubeysan ayaa goor dhow Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ku dilay Jidka Warshadaha, gaar ahaan agagaarka Warshadii Coca Cola ee Degmada Yaaqshiid.

Sida ay sheegayaan wararka Xildhibaankan oo lagu magacaabo C/llaahi Ciise Abtidoon ayaa waxaa lagu hor dilay afaafka hore ee Warshada Coca Cola, waxaana la sheegay inay toogteen Kooxo Hubeysan oo gaari saarnaa.

Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqore ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay geerida Xildhibaanka oo uu sheegay inuu ahaa Xildhibaanada ka yimid dhinaca Isbaheysigii Dib u xoreynta garabkii Jabuuti ee Dowladda ku biiray.

Dilka Xildhibaankan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee loo geysto Mudane ka tirsan Baarlamaanka, tan iyo markii la ballaariyay Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana ay soo doorteen Madaxweyne Sheekh Shariif.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Xildhibaan Caamir Shakeeti Kooxo Hubeysan ay ku dhaawaceen meel u dhow hoygiisa oo ku yaal Degmada Shibis, kaasoo haatan dhaawiciisa lagu dabiibayo Dalka Uganda.

Add New Comment