Salaad Cali Jeele ayaa sheegay in dowlada KMG xiligan aysan u qorsheysneeyn inay dagaalo ku qaaddo, kulana wareegto goobaha ay la wareegeen xoogaga muqaawamada ee ka soo hor jeeda.
Salaad Cali Jeele oo ah Wasiir-ku-xigeenka Wasaarada Gaashaandhigaayaa sheegay in markii horeba ay keentay in ay xoogagga muqaawamadu qabsadaan goobo badan oo dalka ah, dowlada oo aan laheyn ciidamo badan oo u diyaarsan isla markaana difaaca, ayna xiligan diyaar u aheyn in dagaal ay kula wareegaan ama ay ku qabsadaan deegaanada ay ka arimiyaan xoogagga Muqaawamada. Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in dhankooda ay ixtiraamayaan heshiikii dalka Jabuuti ay kuwada gaareen dowlada iyo Isbeheysiga dib u xoreynta. Hadalka Wasiir ku xigeenka oo horay looga bartay in uu warbaahinta hadalo kul kulul ka yiraahdo dagaalada ay dowlada iyo ciidamada shisheeye kula jireen xoogaga ka soo horjeeda ayaa waxaa uu xiligan u muuqaada ama ka turjumayaa awood yarida la soo gudboonaatay Dowlada KMG Soomaaliya,sidoo kale waxaa uu hadaalkiisa ku soo aadayaa xili Xoogagga Muqaawamadu ay deegaano hor leh oo dalka Soomaaliya ka tirsan ay la wareegayaan.
kala soco www.SilGor.com wixii warar ah ee ku soo kordha xaaladda Somalia iyo caalamkaba.
Add New Comment
|
|
|