Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo sheegay in uu qaaday weerarro uu ku muujinayo in uusan dhaqan-gal noqon karin hishiiskii Jabuuti

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shir jaraa’id qadka taleefoonka ugu qabtay Warbaahinta Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ay xoogaggooda qaadeen weerarro ay ku muujinayaan in uusan dhaqangeli karin heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka jabuuti .
Shiikh Mukhtaar Roobow waxaa uu sheegay in heshiiska ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka jabuuti uu ahaa sida uu hadalka u yiri mid been been ah oo aan laga dhaqan-gelin karin Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay dagaalka wadayaan ilaa ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya.roobow.jpg

“Mujaahidiinta waxay habeen hore weerar ku qaadeen Saldhigga Degmada Kaaraan, halkaasna waxay ka furteen gaadiid iyo hub, sidoo kalena xalay waxay weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Deegaanka Feer-feer, jab iyo halaagna wey u geysteen, saakayna waxay madaafiic ku weerareen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho xili uu ka dhoofayay C/llaahi Yuusuf”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan heshiiskaas taageerin, isla markaana ay taageeraan sida uu u yiri  halganka loogu jiro in dalka Soomaaliya laga saaro Ciidamada Itoobiya.

Ugu dambeyntiina, hadalka Abuu Mansuur ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo horaantii todobaadkan ay Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ay  heshiis ku wada saxiixeen Dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya, kaasi oo uu qodobadiisa ku jiro mid sheegaya in xabadda la joojiyo.
 

Add New Comment