Wadahadalka isbahaysiga Dib-u-xureynta iyo Dowlada KMG ee Jabuuti oo laysku mari la'yahay
Wararka ka imaanaya Magaalada Jabuuti oo uu ka socdo wadahadalka u dhaxeeya dhinacyada Dowladda KMG ah iyo Isbahaysiga Dibuxoraynta Soomaaliya garabka Jabuuti ayaa la sheegayaa in la isku mari la’yahay qaabka awood qaybsiga dalka. Waxyaabaha keenay is qab qabsiga xubnaha dowladda iyo Isbahsiga Dib u xoraynta ayaa la shegayaa in xubnaha Isbahasiga ay soo jeediyeen maadaama la furayo Baarlamaanka, islamarkaana la doonayo in wax la wadaago ay tahay in xubnaha Baarlamaanka la yareeyo, lagana dhigo 120-Xubnood oo dhinac walba ay keensato 60 xubnood sidaasina ay ku noqdaan Baarlamaanka Cusub ee Dowladda KMG ah. Sidoo kale Xubnaha Isbahaysiga Dib u xoraynta ayaa iyana meesha ka cadeeyay inuu isbahaysiga dib u xoraynta uu yahay mid balaaran oo ay ka kooban yihiin Maxkamadaha islaamiga, Barlamanka Xorta ah, qurba joogta iyo Ururada Bulshada Rayidka in xildhibaanada laga siiyo 70%, iyadoo ay tahay markaasi in Isbahaysigu uu qaato Tiro Baalamaani ah oo gaaraya 330-Xubnood .Waxaa iminka soconaya wadahadalo hoose oo ay Beesha Caalamka la yeelanaayaan Xubnaha ka socda dowlada KMG Soomaaliya, waxaana sidoo kale shirar gaar gaar ah iyana yeelanaaya Xubnaha Isbahaysiga Dib -u -xoraynta Soomaaliyeed.
Add New Comment
|
|
|