Tukashada Salaada Ciid-Al-Adhxaa iyo Soomaaliya

Dadweynaha Somaliyed ee ku dhaqan magaalaada Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa maanta si mideysan, ugu dabaal degay maalinta koowaad ee munaasabada Ciidul Adhxaa oo ka mid ah labada ciidood ee umadaha Islaamka ee caalamka a gaarka ah.

Masaajidada ku yaala magaalada Muqdisho ayaa intooda badan saaka aroortii laga bilsalaada ciidda.jpgaabay takbiirta, lagana tukaday salaadii Ciida, waxaana dadkii ugu faraha badnaa ay saaka ku tukadeen xaafada Suuqa xoolaha degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, halkaasoo barxad ku taala ay iskugu yimaadeen dad gaaraya illaa 700 oo ruux oo iskugu jira rag dumar iyo caruur ka tirsan dadka fara ku tiriska ah ee deegaankaasi ku harsan, iyadoo dadkaasina ay salaada ciida tukashadeeda kala qeyb galeen saraakiil ka tirsan kooxda Al Shabaab oo uu ka mid yahay afhayeenkooda Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu (Mansuur), iyadoo goobtaasina lagu xiray sameecado waaweyn oo codka baahiya.

Inkastoo qeybo badan oo ka mid ah magaalada aan wax ciid ah laga dareenmeynin marka la eego barakaca xooggan oo ka dhacay iyo duruufaha adag ee ka taagan, hase ahaatee qeybaha la degan yahay ee magaalada ayaa waxaa laga dareemayaa in dadku ay si weyn ugu dabaal degayaan munaasabadaasi, iyadoo ay wadooyinkana ay u soo baxeen dadweyne aad u fara badan oo iskugu jira caruur iyo dad waaweyn intooda badan ku lebisan dhar aad u qurux badan oo ay ku maamuusayaan munaasabada Ciidul adxaa, waxaana wejiyadooda ka muuqatay farxad fara badan iyadoo xaalada magaalada ay guud ahaan u muuqato mid mid degan inkastoo xalay ay dagaalo kooban meelaha qaar ka dhaceen.

Magaalooyinka waaweyn ee Somalia sida Kismaayo, B/weyne, Jowhar. Deegaanada Puntland iyo Somaliland ayaa ka mid ah magaalooyinka sida weyn looga dabaal degayo munaasabaadaasi Ciidul Adxaa, iyadoo barxado ku yaala qaar ka mid ah magaalooyinkaasi ay iskugu soo baxeen dadweyne aad u fara badan oo ku tukaday salaadii Ciidul adxaa, iyadoo ay horkaacayeen qaar ka amid ah mas’uuliyiinta goobahaasi ku sugan.

Add New Comment