Nuur Cadde oo ka hadlay baaritaannada iyo hub ka-dhigista lagu sameeyey qaar ka mida ah saraakiisha DKM


Ra'iisul Wasaare  Nuur Cadde  ayaa  ka  hadlay  howlgalladii  ay  ciidamada  Ethiopia  ku  baareen  saraakiil  ka tirsanaan jiray dawladda iyo kuwo haddadanba xilal  haaya, hawlgalladaas oo uu ra'iisalwasaaruhu ku  tilmaamay kuwo dhinaca sugidda ammaanka loo qaaday.

Nuur Cadde oo hadda ku sugan magaalada Khartuum oo ah xarunta waddanka Suudaan ayaa ka gaabsaday inuu soo magac qaado xubnaha  baaritaanada  lagu  sameeyey  guryahooda,  hase  yeeshee  wuxuu  ku  gaabsaday  in ciidamada Ethiopia ay ka shaeynayaan sugidda ammaanka, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Nuurcadde.jpg
"Waa jirtaa howl galo ayaa laga sameeyay, waana mid loo qaaday ammaanka, aniga cid aan  hada  magacaabayo ama aan si gaar ah u sheegayo  ma jirto,  markaan  dalka  imaado  ayaa  faah faahinayaa"  ayuu  Nuur Cadde  oo caawa la hadlayey Mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ku soo koobay hadalkiisa.
 
Wararka aan la hubin oo ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa waxay  sheegayaan in  illaa  iyo  hadda  baritaan lagu sameeyey guryaha ay magaalada ka deggan yihiin taliyaha  ciidanka  Boliiska  Soomaaliyeed  General  Cabdi Qaybdiid oo aan lasoo sheegin in hub ka dhigis lagu sameeyey, taliyaha nabadsugidda General Darwiish oo  isaga iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Dheere baaritaanka kaddib laga dhigay hubka.

Add New Comment