Cayaartooy u ciyaara Sheffield United oo loo xiray dhimashadii Cumar Anyeelo

roberson1.jpgLaacib ciyaara kubadda cagta ee kooxaha heerka kowaad ee waddanka Ingiriiska ayaa ku lug yeeshay shil ka dhacay waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Liecester iyo London maalinnimadii ciidda Christmas-ka,shilkaas oo sabab u noqday dhimashada macalimkii kooxda Qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda koleyga Allaah ha u naxariistee marxuum Cumar Maxamed Cumar (Cumar Anyeelo) ahaana aabe dhalay 5 caruur ah oo yaryar dhalay.
 
Jordan Robertson oo 20 jir ah, una ciyaraa kooxda Sheffield United, ayaa baaris kaddib la soo ogaaday inuu ku hawlanaa beddelashada heeso uu ka dhegeysanayey iPod-kiisa, isagoo isla mar ahaantaana si miyir la'aan ah ku waday gaarigiisa waddada dheer ee M1.
 anyelo tababare.jpg
Robertson oo watay gaari aad u dheereeya oo ah nooca sportiga (Mercedes CLC 180) ayaa gadaal ka duqeeyay gaarigii uu watay marxuum Cumar Anyelo ooahaa gaari Ford Galaxy ah, kuna sii jeeday markaas magaalada London si uu u soo qaado carruurtiisa oo beryahaas halkaa fasax u joogay.
 
Markii uu shilku dhacay kaddib ayaa waxaa marxuum Cumar halkii lagaga qaaday dayaarad helicopter ah, taasoo lagu geeyey cusbitaalka Walsgrave ee magaalada Conventry, halkaasoo uu maalin kaddib u geeriyoodey dhaawac kasoo gaaray qoorta.
 
Marxuum Cumar Anyeelo wuxuu ahaa taksiile ka shaqeysta magaalada Liecester, horena wuxuu u ahaa ciyaartooy  kubadda koleyga ee naadiyadii heerka kowaad ee Soomaaliya,  hadda  intii  uusan dhimanna  wuxuu  ahaa macalimka kooxda xulka qaranka soomaaliyeed ee kubadda koleyga. Marxuum Cumar Anyeelo wuxuu ifka kaga tagay 5 carruur ah, Maxamed 12 jir, Kalid 11 jir, Jaabir 9 jir, Nadiira 6 jir iyo Faiza 3 jir.anyeelo Kobe Bryant.jpg
 
Trea (Deeqa) oo 38 jir ah waxay ahayd xaaska marxuumka, dhalashadeeduna waa Netherlands (Dutch), waxayna diinta islaamka soo gashay kaddib markii ay is guursadeen marxuum Cumar Maxamed Cumar (Cumar Anyeelo), waxayna u qaadatay ku dhaqanka diinta islaamka si sax ah, ayadoo baratay quraanka, xiratayna jalbaabka islaamiga ah muddadii ay Cumar is qabeen oo dhan.
Waxa hadda ku hawlan qabanqaabada aaska Anyeelo dad fara badan oo ay qaraabo ahaayeen, bahda isboortiga iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee magaalada Liecester, waxaana la qorsheeyey in macalim Cumar loo sameeyo aas heer qaran ah, maadaama uu ahaa nin qaran..
 

Add New Comment