Qasaaraha ka dhashay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho

Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay dagaalo qaraar oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho gaar ahaan meelo ay ka mid yihiin fagaaraha Tarabuunka, xaafada Taleex iyo isgoyska Km4, kuwasoo dhexmaray xoogaga Al Shabaab iyo ciidamada DF iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah.
Dagaalkan oo bilowday ka dib markii xoogaga Al Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Fagaaraha Tarabuunka, xaafada Taleex iyo isgoyska Km4 ayaa la isku adeegsaaday hubka noocyadiisa kala geduisan oo ay ku jiraan madaafiic kuwaasoo ku dhacaya meelo ka mid yihiin isgoyska Km4 iyo xaafadaha ku dhow iyo Suuqa bakaaraha oo qasaaooyin xoogan ay ka geysteen.
Madaafiicda ku hoobatay gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa goobaha ay ku dhaceen waxaa ka mid ah isgoyska Bakaaraha iyo qeybaha caanaha iyo Qudaarta oo ku yaala dhinaca galbeed ee Suuqaasi iyo weliba qeybo kale oo ka mid ah bartamaha Suuqa sida Bacadlaha, iyadoo hase ahaatee qasaaraha ugu badan uu ka dhashay madfac ku dhacay maqaayad ku taala Suuqa Bakaaraha xili duhurnimo ah oo ay fadhiyeen dad badan oo doonayey iney ka cunteeyaan waxaana tirada dad ku geeriyooday goobtaasi ay gaartay illaa 13 ruux oo iskugu jiray dadkii cunteynayey oo ay ku jireen saddex nin oo walaalo ah iyo qaar ka mid ah shaqaalihii maqaayada, iyadoo tiro kale ay halkaasi ku dhaawacmeen sidoo kale xaafada taleex ee degmada Hodan ayaa ku dhintay 2 ruux ka dib markii hoobiye kula dhacay guri au ku jireen, nawaxiga isgoyska H/wadaag ee Suuqa Bakaaraha ayaa isna waxaa ku geeriyooday 2 ruux oo kale ka dibmarkii madfac kale uu ku habsaday.

Sidoo kale madfac ku dhacay guri ku yaala xaafada 1-da Maajo ee degmada Waaberi ayaa ku geeriyooday illaa 3 ruux oo rayid ah, waxaana sidoo kale jira dad aad u badan oo ku dhaawacmay dagaalkaasi kuwaasoo tiradooda lagu sheegay illaa 40 ruux oo la gaarsiiyey isbitaalada magaalada Muqdisho, iyadoo ilaa hadda aan la ogeyn qasaaraha kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay gelinkii dambe ilaa caawa degan xaalada goobihii ay dagaalkaasi ka dhaceen ee degmada Hodan.
Dhinaca kale, afhayeenka ciidamada AMISOM ee Somalia Cap. Bridge Bhuko ayaa iska fogeeyey in ciidamadoodu ay lug lahaayeen madaafiicda lagu hoobtay ee lagu weeraray Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo noqday bartilmaameedka koowaad ee ay beegsadaan ciidamada DF iyo kuwa shisheeye ee jooga magaalada Muqdisho marka ay weeraro kaga yimaadaan kooxaha ka soo horjeeda wuxuuna masuuliyada arintaasi dusha ka saaray kooxihii la dagaalamay oo uu ku eedeeyey iney soo weerareen fariisiimidooda, waana maalintii labaad ee duqeyn noocan oo kale ah loo geysto Suuqa Bakaaraha, iyadoo madaafiic jawaab u aheyd kuwo shalay lagu weeraray xarunta madaxtooyada oo suuqa ku soo dhacday ay ku dhinteen illaa 6 ruux oo rayid ah . EEG  SAWIRADDA HOOSE .
qasaare1.jpgqasaare2.jpgqasaare3.jpgqasaare4.jpg

Add New Comment