Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo sheegay in uu u taagan yahay Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, kana tirsanaa hoggaamiye kooxeedyadii ay ka adkaadeen Maxkamadihii Isu noqday musharixii ugu horeeyay oo xilka madaxweynenimada Soomaaliya isku soo taagay kadib is-casilaad uu shalay sameeyay Madaxweynihii Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

Xildhibaanka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sheegay in uu yqanyare1.jpgahay musharax u taagan xilka madaxweynenimada Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in uu codsigiisa u gudbin doono Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

“Marka aan ku guuleysto doorashada madaxweynenimada Soomaaliya waxaan ugu horeyn wax ka qaban doonaa ammaanka, waxaana loo baahan yahay in xabadda dhaceysa la aamusiyo oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed xal loo helo”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo sheegay in axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya uu dhigayo in marka madaxweyne is-casilo loo baahan yahay in muddo 30 maalmood gudahood ah madaxweyne kale uu Baarlamaanka ku soo doorto.

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ayaa wuxuu ka mid ahaa musharixiintii isu soo taagay Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya intii uu socday Shirkii ay ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka mid noqday seddex musharax oo ka soo hartay 26 musharax oo doonayay in loo doorto Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, inkastoo uu qudhiisa ku haray wareeggii labaad oo uu la yimid 38 cod.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waa Musharixii ugu horeeyay oo isu soo taagay Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya 24 saacadood kadib markii uu is-casilay madaxweynihii Dowladda Fedraalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo la sheegayo in ay is-casilaaddiisa salka ku heyso cadaadis uga yimid dhinaca Beesha Caalamka.

Add New Comment