Dagaal ka socda Muqdisho

Xarunta Madaxtooyada (Villa Somalia) ayaa waxaa lagu qaaday weerar hoobiyeyaal ah oo aad u culus,
ayadoo dhanka madaxtooyaduna ay ka imaanayaan madaafiic jawaab u ah oo laga maqli karaayo
magaalada Muqdisho oo dhan.

Madaafiic dhowr ah ayaa lagu soo warramayaa inay kusoo dhacday Villa Somalia, halkaasoo ciidamadii ilaalada ka ahaa ay qaar isaga tageen qaarka kalena ay diyaargarow ugu jiraan sidii ay halkaasi isaga guuri lahaayeen inta aysan ciidamada Ethiopia ka bixin dalka.  

Ciidamada ilaalada Viilla Somalia iyo kuwa Ethiopia oo isku dhinac ah ayaa ayagana madaafiic la beegsanaya suuqa weyn ee Bakaaraha.

Add New Comment