Dagaallada Galguduud

War dhawaan naga soo gaaray Guriceel ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaasi ka qarxay ayada
oo maalmihi u danbeeyay ay degmadaasi gacanta ku hayeen xoogaga Ahlu Sunnah Wal Jamaaca oo
ayagu ah xoog cusub oo hadda kusoo biiray garabyada hubeysan ee Soomaalida, halka wararka qaarna
ay sheegayaan in ciidamo Ethiopian ahani ay usoo ruqaansadeen dhanka Guriceel.

Dagaalkaasi oo sida la sheegay ah mid culus ayaa waxa ku naf waayey dad tiradooda lagu sheegay 6
qof oo u badan dadka rayidka ah ee aan ayagu waxba galabsan.

Dagaalladan ka socda degaanno ka tirsan gobolka Galguduud oo ah kuwo beryahaan dambe soo noqnoqanayey ayaa waxaa la sheegayaa inay u dhexeeyaan kooxaha Al-Shabaab iyo Ahlu Sunnah.

Add New Comment