Wasiir ku xigeen lagu dilay Baydhabo

Koox hubeysan ayaa caawa maqribkii toogasho ku dilay wasiir ku xigeenkii dastuurka ee dowladda
FKMG Xildhibaan Ismaaciil Xasan Timir. Ragga dilay Wasiir ku xigeenka dastuurka ayaa tiradooda
lagu sheegay inay ahayd 3 nin oo dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa bastoolado, kuwaas oo ku sii
sugayey hotelkii uu degganaa.

Kooxda falkan geysatay ayaan illaa iyo iminka la garan, waxaana caawa si aad ah u kacsan xaaladda
magaalada Beydhabo, ayadoo goobta lagu dilay marxuumkuna ay soo buuxiyeen ciidamo aad u fara
badan oo boolis ah, wuxuuna boliisku sheegayaa inay ku raadjoogaam kuwii dilay wasiir ku xigeenka oo
ayagu ka baxsaday goobtii uu dilku ka dhacay.

Add New Comment