Kulan qado oo maanta a dhacay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku kulmay Ra’iisul-wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo gudoomiyaha Isbahaysiga Dibuxoreynta garabka Jabuuti Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

 Kulankan oo ahaa mid qado sharaf ah, kana dhacay hoyga uu deggan yahay  Ra'iisalwasaaraha ayaa waxa ka qaybgalay xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyowafdigii Isbahaysiga, lamana oga wixii looga wadahadlay maadaama aysan saxaafaddu ka qaybgalin.

 Masuuliyiinta maanta kulmay oo ay kala horkacayeen Ra’iisalwasaaraaaha dowladda KMG Nuur Xasan (Nur Cadde) iyo gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xoraynta garab  haatan ku sugan Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa la sheegayaa in looga loo dhaqangelin lahaa heshiiskii lagu gaaray dalka jabuuti.

  Waxa la sheegayaa in kulanka ay goob joog ka ahaayeen Raiisalwasaare ku xigeenka DKMG ahna wasiirka warfaafinta, dhallinyarada iyo sportiga mudane Axmed Cabdisalaam, raiisalwasaare k/x 2aad ahna wasiirka Beeraha Mustafa Dhuxuloow, halka dhanka Isbaheysuguna ay ka joogeen Col. Cumar Xaashi Aadan oo ah xoghayaha arrimaha gudaha ee Isbahaysiga iyo Shiikh Cabdiraxmaa Maxamuud Faarax (Janaqow) oo asaguna ah xoghayaha golaha dhexe ee Isbahaysiga.

Add New Comment