Xoogagga taabacsan Dariiqada Ahlu Sunna ay weerar ku qaadeen Xoogagga Al-Shabaab

 Dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoo la sheegayo in dagaalkaas uu geystay dhimashada 10 ruux iyo dhaawaca 15 ruux oo kale.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay isugu jireen Dad rayid ah  iyo  dhinacyadii uu dagaalka dhexmaray oo kala taabacsan  Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, kuwaasi oo dhawaanahan ay xiisad ugu dhaxeysay Degmadaas.

Marka laga soo tago dhimashada iyo dhaawaca uu dagaalka gestay waxaa uu saameyn ku yeeshay dadkii degmada ku noolaa, kuwaasi oo badankood ay baadiyaha degmada u bara-kaceen, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadka bara-kacay ay ku jireen kuwo horay uga soo barakacay dagaallada iyo amni darrada ka jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dagaalkan ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay xoogagga taabacsan Dariiqada Ahlu Sunna ay weerar ku qaadeen Xoogagga Al-Shabaab oo horay dagaal ka dhacay degmadaas ay ugu suurtagashay in uu la wareegaan gacan ku heynteeda.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray degmada Guriceel-na waxay sheegayaan in xaaladda ay haatan degan tahay, gacan ku heynta Degmadana ay la wareegeen Xoogagga u daacadda ah Dariiqada Ahlu Sunna Wal-jamaaca.

Dhanka kalena, Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo dhaqaaqay Deegaanka Balanbal ee Gobolka Galgaduud ayaa la sheegayaa inay ku sii jeedaan dhinaca Degmada Guriceel, waxayna taasi keentay in dadkii Degmada ku dhaqnaa in ay barakac bilaabaan, si ay uga badbaadaan dagaal kale oo ka dhaca gudaha Degmada..

Add New Comment