TACSI


tacsi Macalim Anyeelo.jpg
Galabta oo jimco ah, 26 Disember 2008 ayaa waxa cusbitaal  ku yaalla magaalada Conventry ee waddanka Ingiriiska ku geeriyooday Allaah ha  u naxariistee tababarihii Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga  Cumar Maxamed Cumar (Macalim Anyeelo) kaddib markii uu xalay shil gaari ku galay  waddada isku xirta magaalooyinka Liecester iyo London UK.
 
Macalim Cumar oo markii uu shilku dhacayey ku sii jeeday magaalada London, watayna gaarigiisa qaaska ah si uu u soo qaado carruurtiisa oo London ku sugnaa ayaa waxaa gadaal uga soo dhacay gaari kale oo xawli aad u sarreeya ku socday.
 
Haddaba waxa geeridaan naxdinta leh lala socodsiinayaa eheladii, asxaabtii iyo dhammaan bahda Sportiga Soomaliyeed.

  Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun . 

  Fadlan halkan tacsidaada ku qor

Add New Comment