Waxgaradka iyo aqoonyahannada Beesha Silcis Gorgate oo London UK ku kulmay

 
Waxa habeennimadii Arbacada, bisha Disemberna ay ahayd 24 shir ay isugu yimaadaadeen,aqoonyahanno
iyo dhalinyaro dhammaantood kasoo wada jeeda beesha Silcis Gorgaate,shirkaas oo ka dhacay hoyga uu magaalada London ka deggan yahay Dr. Cusmaan Xuseen Xaaji (Shiis).
 
Shirkaas oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxa looga wada hadlay arrimo fara badan oo taabanaya xaaladda uu dalku marayo, sidii beeshu ay u wajihi lahayd marxaladaha siyaasadeed ee soo socda iyo in dib u abaabulid lagu sameeyo guddigii siyaasadda ee beesha Silcis lana ballaariyo.
 
Kulankaasi oo laga soo jeediyey fikrado fara badan oo ku aaddan sidii loo mideyn lahaa jufooyinka ay beeshu ka kooban tahay ayaa waxa laysla gartay:
 
1 - In jufo kasta oo ka mid ah jufooyinka beesha laga soo xulo 2 qof oo xubno ka noqonaya Guddiga Siyaasadda, hawsha soo xulashadana loo madaxbanneeyo ugaasyada jufooyinka.
 2 - In taageero hiil iyo hooba leh lala garab istaago hawsha uu U.I. SilGor u haayo dadka danyarta ah ee beesha.
3 - In la sameeyo xoghayn kaddib marka lasoo dhammeystiro soo xulidda xubnaha Guddiga Siyaasadda.
4 - In la sameeyo guddi u xilsaaran xallinta khilaafaadka.
5 - In ummadda Soomaaliyeed loogu baaqo xoojinta nabadda iyo midnimadooda.
 
Waxa gebagebadii kulankaasi la guddoonsaday in kulanka kan xiga laysugu yimaado muddo bil gudaheed Waxaa kaloo laysla gartay si uu ula socdo xubnaha ay jufooyinkaas soo xusheen  in lasoo mariyaa Duubka Guud Xaaji Maxamed Axmed Xasan (Kurtun) .
 

Add New Comment