Is casilaadda Col. Cabdullaahi Yuusuf oo la xaqeejiyey

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Xuubsireed ayaa xaqiijiyay warka ku saabsan in Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu is casilayo.
 Xuubsireed oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Al-jazeera ayaa sheegay in fadhiga ugu horeeya uu yeelanayo Baarlamaanka uu hortagayo Madaxweynaha, isla markaana uu kaga dhawaaqayo is casilaadiisa sida uu hadalka u dhigay.

Mr Xuubsireed ayaa intaa ku daray in Madaxweyne Yuusuf uu maalinta sabtida ah uu is casilayo, isla markaana istiqaaladiisa uu gudbinayo Baarlamaanka, kadib markii buu yiri cadaadis kaga yimid Beesha Caalamka.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa goor dhow isna Magaalada Baydhabo ka sheegay inuu is casilayo maalinta sabtida, isagoo kulan albaabada u laaban Magaalada Baydhabo kula qaatay Xildhibaanada isaga taageersan

Add New Comment