Gacmo-dheere oo is casilay

War naga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inuu  mudane Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) iska casilay Xilkii Ra’iisal Wasaarenimo ee uu dhawaan uu u magacaabay  Col Cabdullaahi Yuusuf. Is-casilaadda Gacmo-dheere ayaa la sheegay in ay timid kaddib markii cadaadis fara badan uu Madaxweynuhu kaga yimid  Beesha Caalamka  oo qudhiisa ay Wakaalaha Wararka Caalamiga ah qaarkood ay qorayaan in uu iscasilayo inta aysan dhammaan bishan. Mudane Gacmo-dheere ayaa ku macneeyay sababta uu isaga casilay xilkii uu u magacaabay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf in uu xaalad adag ku jiro dalka Soomaaliya, sidoo kalena uu Baarlamaanka Soomaaliya ku kala qeybsamay
magacaabistiisa.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowaan codka kalsoonia siiyay Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), iyadoo sidoo kalena ay beesha Caalamkuna ku sheegtay in xukuumaddaasi ay tahay tan keliya ee sharciga ah lana aqoonsan yahay.
Dowladda FKMG waxay ku jirtaa marxalad siyaasadeed oo aad u adag.

Add New Comment