Sheekh Shariif iyo wafdi la socda oo ka soo degay Muqdisho

Waxaa goor dhoweyd ka soo soo degay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta Soomaaliya garabka Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Waxaana wufuudaasi kaga hortagay garoonka dayaaradaha mas’uuliyiin ka tirsan DFKG, maamulka cusub ee gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidamada iyadoo sidoo kale ay garoonka ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan ciidamada DKMG iyo kuwa Midoga Afrika ee AMISOM kuwaasoo u soo gelbiyey wafdiga dhinaca magaalada Muqdisho.

Shiikh Shariif iyo wafdigiisa ayaa ka soo kicitimay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti oo mudooyinkan ay ku sugnayeen, waxaana wafdiga ka mid ah Shiikh C/raxmaan Maxmuud Faarax (Jinaqow) oo ah xoghayaha guud ee Isbaheysia Dib-u-Xoreynta garabka Jabuuti iyo gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Midowga Maxkamadaha  Islaamka Soomaaliyeed waana markii labaad ee wufuud ka socoda Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta ay ka soo degaan magaalada Muqdisho.

Add New Comment