DKMG iyo Isbaheysiga oo warsaxaafadeed soo wada saaray

  War-saxaafadeed ay si wada jir ah magaalada Nairobi uga soo saareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta garabka Jabuuti ee uu hoggaamiyo Shiikh Shariif Sh. Axmed, ayay ku sheegeen inay sii wadi doonaan iskaashigooda ku aadan nabad raadinta Soomaaliya.

 War-saxaafadeedkan ayaa sidoo kale looga codsaday Qaramada Midoobey inay ciidamo caalami ah si degdeg ah ugu soo dirto dalka Soomaaliya, xilli Qaramada Midoobey ay u aragto Soomaaliya inaysan ahayn goob ay ka jirto nabad la ilaaliyo.

Dawladda iyo Isbahaysiguba waxay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan  dadaalka ay ugu jiraan nabad ka islaaxda Soomaliya,lana furi doonaan wadahadal cid kasta oo diyaar u ah ka qaybqaadashada geeddi socodka nabadda, wax walbana ka hormarin doonaan in dhibaatada dabadheeraatay ee Soomaaliya lagu xalliyo wada hadal

Sidoo kale waxay mahadcelin u jeediyeen Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub ooay sheegeen inay dadaal ugu jiraan sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa xaaladda dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedkan ayaa ku soo beegmay xilli ay arrimaha Soomaaliya sii galayaan mugdi, oo madaxdii ugu sarreysay ee dalka uu khilaaf xooggan ka dhex jiro, sidoo kalena ay xoogagga Muqaawamaduna ku kala aragti duwan yihiin heshiiskii dhowaantan lagu kala saxiixday dalka Jabuuti. 

Add New Comment