AU : ciidamada Ethiopia waxay baxayaan 5-ta Janaayo.

Ururka midowga Afrika ayaa xaqiijiyay in dowlada Itoobiya ay Ciidamadeeda kala baxeyso Somalia 5-ta bisha Janaayo ee 2009-ka iyadoo aan wax war ah oo cusub aan laga soo saarin soo dedejint cidamadii beddeli lahaa kuwa uu jabku ku dhacay ee Ethiopia.

 Wakiilka gaarka ah ee wadammada Midowga Afrika ugu qaybsan arrimaha Somaliya Nicolas Bawakira ka warbixinayeymadaxda Afrika hortooda ayaa shaaca ka qaaday in Uganda iyo Burundi ay imminkaba diyaar la yihiin in ay keenaan ciidamo kale oo gaaraya ilaa iyo labaguuto,wuxuuna intaas ku daray in Nigeria ay iyana balan qaaday hal guuto oo ciidamo ah.Wasiir dowlaha arrimaha dibada ee dowlada Itoobiya ayaa ku celiyay mar kale in Ciidamada ka jooga Somaaliya ay isku diyaarinayaan inay ka baxaan Somaaliya ugu dambeyntii dhamaadka sanadkan.

 
Dhamaan madaxda afrikankah ee ka qeybgalay kulankan ka dhacay shalay Magaalada Addis ababa ayaa ku booriyay Ethiopia inay dulqaad muujiso ooy ciidamadeeda ku hayso Soomaaliya ilaa bisha soo socota shanteeda.Madaxdu waxay sheegeen inay ka walaacsan yihiin xaalada Soomaaliya oo ay ku sugan tahayiyada oo ay magaalada Muqdisho joogaan tiro yar oo ciidamo ah kana kala socda wadamada Burundi iyo Ugandha oo aan awood u lahayn inay howgalo ka sameeyaan gudaha magaalada Muqdisho.
Go'aanadii ugu dambeeyay ee Kulanka Madaxda afrikanku ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa
waxaa ay isku raaceen in muddo labo bilood ah loogu kordhiyo Mandateka Ciidamada AMISOM ee Kusugan Magaalada Muqdisho.

Add New Comment