DKMG oo qiratay in ciidamadeedu ay geystaan dhac

Wasiirka arrimaha gudaha ee DKMG oo horey ay dawladdiisu u dafiri jirtay in ciidamadoodu ay dhibaatooyin dhac iyo jir dil isugu jira ku haayaan shacabka ayaa maanta waxa caddeeyey in isagu uu indhihiisa ku arkay ayaga oo fal dambiyeedkaasi faraha kula jira.  
 
Wasiirka arrimaha gudaha ee Maamulka TFG-da Muuse Nuur Amiin ayaa maanta warbaahinta u sheegay in isaga uu arkay maleeshiyada DKMG oo iyaga oo labisan dresska ciidamada qaranka dhacaya dhacaya islamar ahaantaana qaar dilaya.
Muuse Nuur Amiin sidoo kale waxa uu sheegay in uu maanta indhaha saaray maleeshiyo ka tirsan kuwa DKMG oo lacago sharci  daro ah uga qaadaya gaadiidka qeybo ka mid ah wadada Makka Al-Mukarama kuwaasi oo uu sheegay in  ay argagax iyo anfariir galiyeen rakaabkii gaarigaasi saarnaa sida uu isaga afkiisa ka sheegay.
 
Lacagaha laga qaado gaadiidka dadweynaha ayuu ku tilmaamay in ay tahay xaaraan maadaama iyagu aanan waxba loogu qabaneynin, looguna darayo dhac iyo handadaad isagoo intaasi raaciyay in taliska ciidamadu uu ka masuul yahay  qaladaadkaas dhacaya, mana sheegin wasiirku tallaabada ay xukuumadiisu ka qaadi doonto fal dembiyeedyadaas.
 

Add New Comment