Col. Cabdullaahi Yuusuf oo Baydhabo kusoo noqday

Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo iyadoo wararkuna ay sheegayaan inuu saacadaha soo socda ku dhawaaqi doono inuu iska casilay xilkii madaxwenenimo ee uu ka hayey dawladda KMG, kaddib markii sida la sheegay uu cadaadis fara badan kaga yimid beesha caalamka iyo go'aanka ay dawladda Ethiopia ku gaartay inay ciidamadeeda kagala baxdo waddanka Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Baydhab oo uu Madaxweynuhu wax yar ka hor soo gaaray ayaa waxa safarkiisa ku wehliyey xubno ka tirsan golaha barlamaanka oo ay asagu siyaasad ahaan isku dhow-dhow yihiin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynuhu u socdaalkiisan ku wehliyo ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Cali Maxamed Geeddi, wax war ah oo olaa iyo hadda kasoo baxay xafiiska madaxweynahana ma jiro, lamana oga sida ay umuuruhu ku dambeyn doonaan, lasa arki doonee wixii soo kordha.

Add New Comment