Muqaawamadu waa inaysan ka dhex dagaalamin gudaha shacabka.

Odayaasha Hawiye ayaa xoogaga Muqaawamada ugu baaqay in aysan ka dhex dagaalamin goobaha ay shacabku deggan yihiin, waxayna canbaareeyeen baaqii Ururka Midowga Africa ee ahaa In ciidamada Ethiopia ay sii joogaan gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna goluhu taa ku micneeyey in Midowga Afrika uu raalli ka yahay baaba'a iyo burburka dadka iyo dalka Soomaaliya.

  Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye oo saxaafadda u warramayey ayaa waxay sidoo kale  cambaareeyeen dagallada weli ka sii socda gobolka Banaadir oo ay sheegeen in ay gaysanayaa soo duulayaasha ciidamada Ethiopia iyo maleeshiyaad ay sheegeen inuu si qaas ah uu u  wato Col. Cabdullaahi Yuusuf oo ay ku tilmaameen inuu yahay nin nabaddiid ah.

 Golaha dhaqanka iyo midnimada beelha hawiye waxaa ay sidoo kale war-saxaafdeedkooda ay ku sheegeen in xoogaga mujaahidiinta ee howlgallada ka wada gudaha magaalada Muqdisho ay ugu baaqayaan in ay ka taxaddiraan goobaha ay ka dagaalamayaan iyagoona ugu baaqay in aysan ka dagaalamin goobaha ay ku badanyihiin dadka rayidka iyo Suuqyada.

 Waxay kaloo warsaxaafeedkooda ku sheegeen in dagaalkii ka dhacay magaalada 19-kii beshaan ay kuwii xalay iyo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho ay ahaayeen kuwa aan qorshaysnayn islamarkaana xoogaga muqaawamada ay ka dhex dagaalameen goobo ay dagan yihiin dad rayid ah.

 Ugu dambayntii ayaa golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye ugu baaqeen Shacbiga Soomaaliyeed in si wada jir ah ay wax uga qabtaan kooxaha burcad badeeda kuwaasi oo ay sheegeen in Soomaaliya ay ka go’doominayaan dunida inteeda kale islamarkaana arintaasi ay sababi karto in Soomaaliya la  qabsado,iyagoona beesha caalamka ugu baaqay in ay dhowraan madaxbanaanida iyo qarannimada Umadda Soomaaliyeed.

Add New Comment