Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Somalia oo airportka Nairobi kula kulmay Jendayi Frazer

C/llaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde oo Nairobi ku wada sugan ayaa waxay saaka (Jomo Kenyata International Airport) kulan kula qaateen JendayiFrazer oo Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika. Labada nin ayaa midba si gaar ah ula kulmay Jendayi Frazer oo xilligaas ka sii
duuleysay garoonka, wax war ah oo ka soo baxayna ilaa iyo hada lama haayo kulankan saddexda mas'uul ku dhex maray garoonka dayaaradaha Nairobi.
Si kastaba ha ahaatee waxaa cad in waxa laga wada  hadlay ay u badan  yihiin khilaafka u dhexeeya labada mas'uul oo midkoodba uu midka kale ku eedeynayo inuu ku tuntay dastuurka.
Beesha caalamkuna aad iyo aad ayey uga walaacsan tahay sida ay umuuruhu faraha uga sii baxayaan maalinba maalinta ka dambeysa, burcad badeed iyo xoogaggaislaamiyiinta oo caalamku uu khatar u arko laakiin shacbiga soomaaliyeed ay intooda badan rumeysan yihiin inay yihiin kuwa keliya ee Soomaaliya kusoo celin kara degganaan iyo kala dambeynoo isku sii ballaarinaya gobollada dalka .

Add New Comment