Al-Shabaab si sahlan bey ula wareegi doonaan Soomaalia

Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa caalamak ugu baaqay in aan xoogaga Al Shabaab lagu eegan shacabka Soomaaliyeed ee ay xoogga ku heystaan, sababna uga dhigay qabsashada shabaabka ee inta badan dalka ay qabsadeen baqdin ay dadku ka qabaan ee aysan aheyn rabitaanka shacabku uu rabo.
Cabdullaahi Yuysuf oo caawa wareysi siiyey Tv Aljazeera qeybta  Englishka ayaa sheegay in hadii ciidamada Itoobiya ka baxaan dalka aananna lahelin ciidamo si degdeg ah u beddela itoobiyaanka ay markaas  xoogaga Al Shabaab si sahlan ula wareegi doonaan dalka Soomaaliya guud ahaantiis ayna adkaan doonto in wax laga qabto,  isagoona intaa ku daray in ay yihiin shar umadda xoog ku haysata khatarna gelin doona ammaanka gobolka iyo caalamka oo dhan.

Hadalka Col. Yusuf kadaib ayaa weriye uga soo warama Tv-ga Aljazeera Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Caddow wuxuu sheegay in hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Yusuf uu yahay midka fog xaqiiaqda, isagoo intaa raaciyey in meelaha ay ka taliyaan Al-Shabaab ay yihiin goobaha ugu amaanka fiican dalka taasoo buu yiri ay caddeeyeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan meelaha ay Islaamiyiintu gacanta ku haayaan.

Add New Comment