Mr. Mesfin oo sheegay inaysan ka laabaneyn la bixidda ciidamada

Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Itoobiya Seyum Musfin ayaa mar kale ku celiyay in Itoobiya ay ciidamadeeda kala baxayso Somalia."Marnaba ka laaban meyno go'aanka aan ciidamadeenna kagala baxayno Somalia" ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibada Itoobiya Seyoum Mesfin oo khudbad ka jeedinayey kulankii Wasiiradda arrimaha dibadda dalalka IGAD ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo intaa raaciyay in ay socdaan diyaar garowga ciidamada dalkiisu au kaga soo baxayaan dalka Soomaaliya.

Seyum Musfin.logo.jpgWasiirku waxa kale oo uu sheegay in ciidamada Ethiopia ay mar walba heegan ku jirayaan,  Mesfin wuxuu kale oo uu ka hadlay halista ka imaan karta kooxaha rabshadaha ka wada magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in mar walba ay isha ku heyn doonaan si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada wax uu ku sheegay kooxaha mayalka adag ee ku sugan Somalia.

Lama oga waxa Ethiopia ay ka qaban karto Soomaaliya ka bixitaankeeda kaddib, mar haddii ay ku guuldarreysatay ayada oo gudaha soomaaliya ay ka joogaan kumanaan ciidamo ah,
waxaana hadalkaa loo arkay mid uun iska dheh loo yiri.

Add New Comment