Dagaal culus oo ka socda Xamar

Dagaal culus ayaa goor dhow ka billowday Isgoyska Florence ee degmada Wardhiigley, iyadoona lagu soo warramaayo in dagaalku durba saameyn weyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqii ganacsi ee Suuqa Bakaaraha, halkaasoo ay ku soo dhacayaan madaafiic laga soo ridayo madaxtooyada.
Dagaalka ayaa billowday kadib markii Xoogaga Kacdoonka ay weerar ku soo qaadeen isgoyska Florence iyo goobo kale oo  ka tirsan degmada Wardhiigley oo ay ku sugan yihiin ciidamada DKG ee ilaalada ka ah madaxtooyada, ciidamada Ethiopia ayaa lagu soo warramayaa inay dagaalka ka qayb qaadanayaan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in isu socodkii gaadiidka u kala gooshi jiray Suuqa Bakaaraha iyo
magaalada inteeda kale uu istaagay dagaalka halkaas ka qarxay awgii.

Add New Comment