Igad oo war ka soo saartay Somalia

Wasiiradda dibedda urur goboleedka IGAD, ayaa sheegay in ay taageerayaan go'aankii baarlamaanka Soomaaliya uu ku taageeray ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo dowladiisa.

Waxay sheegeen in cidii loo aqoonsado oo la soo magacaabo in ay caqabad ku tahay nabadda lagu soo rogi doono cunaqabatayn.

Waxaa hadalkan laga sheegay kulanka wasiirada IGAD ee aan caadiga ahayn oo ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Madaxa guddiga midowga Africa, Jean Ping, ayaa shirka ka sheegay in Nigeria ay diyaar u tahay in ay xoojiso ciidamada nabad ilaalinta ee midowga Africa ka jooga Soomaaliya, iyadoo kacdoonka Islaamiyiinta ay dagaal kula jiraan ciidamada dowladda ku meelgaarka ah.

Ciidamada Nigeria, ayaa lagu wadaa in ay buuxiyaan booska ay baneeyaan ciidamada Ethiopia oo ilaa hadda doorkoodu ahaa taageeridda dowladda, balse lagu wado in ay ka baxaan dalka labada todobaad ee soo socda.

Mr Ping, ayaa la hadlayay kulan deg deg ah oo wasiirada arrimaha dibedda wadamada gobolka ay ku lahaayeen magaaladda addis ababa ee caasimadda Ethiopia.

"waxaan ku faraxsanahay in aan idiin sheego in madaxwaynaha Nigeria uu nafsad ahaantiisa ii cadeeyay doraad in Nigeria ay dhowaan hal guuto u dirayso, wuxuuna ii muujiyay in ciidamadu ay diyaarba yihiin oo loo qalabeeyaan ujeedadaas, taasoo ii horseedaysa in aan u qaato in laga yaabee laga bilaabo bisha January aan bilaabi doonno in aan helno, cadayno imaanshaha guutadan." Jean Ping.

Add New Comment