Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta oo sheegay inaay la wareegi doonaan ammaanka

Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Isbaheysiga Dib u Xoreynta Col. Cumar Xaashi Aadan, isla markaana ah Madaxa Guddiga Ammaanka ee Isbaheysiga Shirkii Jabuuti ayaa sheegay inuu dhow yahay waqcumar-xaashi.jpgtigii ay dalka ka bixi lahaayeen Ciidamada Ethiopia.

Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa sheegay inuu Isbaheysigoodu  la wareegi doonaan goobaha ay ka baxaan ciidamada Ethiopia ee ay kaga sugan yihiin gudaha magaalada Muqdisho marka ay baxaan sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo ku sugan magaalada Muqdisho ayuu mudane Cumar Xaashi u sheegay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho in ciidamada Isbaheysiga, kuwa Booliska iyo Xoogga dalka ay ka wada qeyb qaadan doonaan howlaha sugida ammaanka.

"Anagu wax wal wal ah kama qabno inaan la wareegno ammaanka meelaha ay baneeyaan Ethiopianka" ayuu yiri Colneyl Cumar Xaashi oo ka mid ah Gudi ka socda Isbaheysiga Dib u Xoreynta oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay inay jiraan kooxo ka mid ah kuwa ka soo horjeeda Siyaasada Dowladda KMG iyo joogitaanka Ciidamada Ethiopia, kuwaas oo uu sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan sugida ammaanka.

Ethiopia ayaa sheegtay in dhamaadka bishan inta ka harsan ay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, sheegtayna inay diyaarisay qorshihii ay ciidamadeeda
kagala bixi lahayd waddanka Soomaaliya.

Add New Comment