U.S.A. oo markeeda isku dayeysa dhexdhexaadin madaxda DKMG

Warar aan ka helnay magaalada Nairobi ayaa sheegaya in haweeneyda wasaaradda arrimaha dibedda ee dawladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Jendayi Frazer ay isku dayeyso inay dhexdhexaadiso labada mas'uul ee uga sarreeya dawladda FKMG ee Soomaaliya, kaddib markii ay halkaasi soo gaartay
maalinnimadii shalay.
 
Dhexdhexaadinta Jendayi Frazer ayaa ku soo beegantay xilli uu qilaafka madaxda Soomaaliya uu marayo Jendayi Frazer.logo.jpgmeeshii ugu sarreysay, dalkuna ay hadda ka jiraan laba ra'iisulwasaare iyo barlamaan aad ugu kala qaybsan siyaasadda.

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda tago magaalada Nairobi, halka uu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf hore u sii joogay halkaas oo uu shalay gelinkii hore gaaray.

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo la hadlayay Idaacada BBC-da Laanteeda afka Soomaaliga ayaa xaqiijiyay inuu jiro kulan guud oo ay wada yeelanayaan isaga iyo Kaaliyaha Xogahayaha Arrimaha Dibeda Mareykanka ee dhinaca Afrika, laakiin waxaa uu xusay in aanu jirin kulan ay isugu imaanayaan saddexdooda, laakiin uu mid kasta uu goonidiisa ula kulmayo.

Arrimuhu ma sahlana balse la arki doonee waxa kasoo baxa kulanka uu Mareykanku ku doonaayo in laysugu soo dhoweeyo labada nin ee xitaa dawladda Ethiopia oo ayadu ah xoogga keliya ee ay dawladdoodu ku taagneyd ku guuleysan weyday inay xalliso khilaafaadkooda.

Add New Comment