Ethiopia oo mar kale ku celisay inay ciidamadeeda kala baxeyso Somalia

Safiirka Ethiopia u fadhiaya dalka Ingiriska Berhanu Kebede Dawladda Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday  in ay ciidamadeeda kala baxayso dalka Soomaaliya  dhammaadka bishan December ka dib markii dad badan ay shaki ka muujiyeen arrintaas bixtaanka ciidamada milatariga Ethiopia

 Sethiopia-withdrawal.jpgafiirka Ethiopia u fadhiaya dalka Ingiriska Berhanu Kebede ayaa sheegay in Ethiopia ay ka go’antahay in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya Waxa uu itaa ku daray in Ra’iisula wasaaraha Ethiopia uu xaqiijiyay arrintas.

 Danjire Berhanu waxa uu sheegay in joogitaanka  Ethiopia ay Somalida   fursad u siisay in ay wada hadlaan isagoo intaa ku daray in beesha caalamka  iyo Somaliduba aysan si wanaagsan uga faa’iidaysan fursada uu sheegay in ay siiyeen.

 Hal milyan oo dad ah ayaa ka cararay magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada Ethiopia iyo Xoogagga ka soo horjeedaa ay ku dagaalameen gudaha magaalada Muqdisho.

 Ciidamada Africa ee jooga Soomaaliya ayaa muujiyay in Ethiopia at raaci doonaan haddii aysan helin ciidmo dheeraad ah oo loo soo diro Soomaaliya.Sida uu dhigayo heshiikii Jabuuti  bixitaanka ciidamada Ethiopia waxa uu ku ekaa maanta oo jimco ah taariiqduna ay ku beegantahay 19-bishaa December ee 2008.Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dawlada federaalka KMG waxa ay ku suganyihiin oo kaliya  qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo xarunta Barlamaanka ee Baydabo  gobolka bay isagoona intaa ku daray in sugayaan imaanshiyaha ciidamo nabad ilaalin oo ka socda beesha caalamka.

Add New Comment