Nigeria oo Ciidamo u soo direyso Soomaaliya

Wasaarada arrimaha dibada ee Nigeria ayaa sheegtay inay ciidamo nabadilaalineed u soo direyso

dalka Soomaaliya horraanta sanadka soo socda si loo xoojiyo nabadda Soomaaliya.

   Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Nigeria Ojo Mutuekwe oo saxaafadda kula hadlay magnejeria komandos.jpgaalada

Abuja ayuu wuxuu sheegay in Nigeria ay tahay dal leh awood ciidan oo muhiim u ah ammaanka

qaaradda Afrika sidaasi darteed ay ciidamo ugu soo dirayaan dalka Soomaaliya.

 
Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamadoodu ay ka hortegi karaan waxa uu ugu yeeray iska caabinta

ka taagan dalka Soomaaliya Nigeria waxay soo diri doontaa ayuu yiri ugu  yaraan  saddex  guuto

kuwaasi oo aad u tababaran, isla markaana qalab ahaan isku filan Waxa uu sheegay in laga soo

qaadi doono ciidamada urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOMOC.

 
Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada Nigeria ay haatan diyaar garoobayaan ayna xirxiranayaan

qalabkooda si ay Soomaaliya u joogaan intaanay dhammaan saddexda bilood ee ugu horeeya ee

sanadka soo socda.

 Si kastaba ha ahaatee Ma ahan markii ugu horeysay ee ay Nigeria sheegto inay ciidamo u soo

direyso dalka Soomaaliya, horey waxay u oofin weyday ballanqaadyo noocan oo kale oo ay horey

u sameysay iyadoona aysan fulin kuwii hore

Add New Comment