Dagaal xalay ka dhacay Muqdisho

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa si  weyn ugu eedeeyay ciidamada DKMG ah gaar ahaan illaalada
Madaxtooyada inay duqeyn aan loo meel  dayin  u gaysteen Suuqa Bakaaraha halkaasoo ay ku
dhaawacmeen tiro dad rayid ah. Duqeyntan ayaa timid kaddib markii xoogaga wax- iska-caabintu weeraree ku  qaadeen  saldhigyada ciidamada dowladda KMG ah ee soomaaliya  ay ku leeyihiin  isgoysyada Foloransa  iyo Xararyaale ee degmada Wardhiigleey. Dagaalkan oo socday ku dhowaad soddon  daqiiqo ayaa waxaa barbar  socday  madaafiic  aad u fara badan oo ciidamada dowladda KMG ah ay  ka  soo ridayeen  fariisimadooda,   gaar   ahaan    xarunta madaxtooda Villa Somalia, waxaana madaafiicdaasi ay inta badan kusoo dhaceysay Suuqa Bakaaraha.

 Guddoomiyaha ganacsatada  Suuqa Bakaaraha Cali Dheere ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda KMG ah inay bartilmaameedsadaan Suuqa Bakaaraha mar kasta oo uu weerar kaga  yimaado  xoogagga  wax-iska-caabinta.Sidoo kale ayuu isna afhayeenka ciidamada DFKMG ah ee Soomaaliya Daahir Dheere sheegay  in  xalay ay jirtay inay madaafiic rideen hase ahaatee waxaa uu yiri "madaafiicda aan ridnay waxaa u waynaa qoriga la yiraahdo 37 ee lidka dayaaradaha. Si kastaba ha ahaatee waxa dagaalkii xalay  inta  la ogyahay ku  naf  waayey  hal  qof  oo  rayid,  halka dhaawucuna gaarayo ilaa iyo 8 qof, ayadoo sidoo kalena  uu  jiro burbur soo gaaray dhismayaal iyo goobo ganacsiba.  

Add New Comment