Cabdullahi Yuusuf oo Nairobi u duulay

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa goor dhow ka dhoofay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay,iyadoona ay wararku sheegayaan inuu u kicitimay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Safarka Madaxweynaha ayaa ah mid aan horay loo sii sheegin, lamana garanayo waxa kusoo beegay kaddib markii ay dowladda Kenya dhowaan ksheegtay inay cunaqabateyn dhinaca socdaalka iyo dhaqaalaha saartay Madaxweyne Yuusuf oo ay ku eedeysay inuu caqabad ku yahay nabadda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo la filayey inuu maanta hortago barlamaanka ayaa waxa la sheegayaa inuu casumaad ka helay xubnaha xiriirka caalamiga ah (Contact group) oo uu kula kulmi doono magaalada Nairobi, waxaa isna sidoo kale waddanka ka maqan Ra'iisalwasaare Nuur Xasan xuseen oo hadda ku sugan dalkaJabuuti.

Madaxweyne Yuusuf ayaa diyaarad qaas ah ka qaaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo, halkaasoo ay ku sii sagootiyeen Ra'iisul Wasaaraha uu dhowaan magacaabay iyo Xildhibaano isaga ku feker ah.

Add New Comment