Kulan lagu wado inuu ka dhaco saafaradda Mareykanka ee Jabuuti

shariif riyaale xasan.logo.jpg
Warar isaa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in safaaradda Mareykanku ku leeyahay dalka Jabuuti ay xarunta safaaradda uga wada yeertay wufuudda ay kala hoggaminayaan Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Cadde, Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta Sheekh Shariif iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland Dahir Rayaale oo dhammaantood hadda ku wada sugan magaalada xarunta ah ee Jabuuti.

Saddexdan Mas'uul oo wada degan Hotelka Kampiski ee Magaalada Jabuuti ayaa gelinka hore ee maanta la filayaa inay si wada gaaraan Safaarada dawladda Mareykanka ku leeyahay Dalka Jabuuti, halkaasoo ay horey u sii joogeen saraakiil ka timid Washington oo ka mid yahay nin asagu ah senator oo lagu magacaabo Russ Feingold (D) oo ah ku qaybsanaha Congresska ee arrimaha Africa.

Lama oga waxa hadda oo ay siyaasadda Soomaaliya mareyso meel xasaas ah ku soo beegay in Mareykanku uu isugu yeero madaxda soomaalida ah ee kasoo kala jeeda maamullo aan iyaguba is aqoonsaneyn iyo weliba Ururka Dib-u-xoreynta ee uu hoggaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Lama oga waxa ay ka wada hadli doonaan iyo waxa kasoo bixi kara toona, maaddaama ay dhinacyada soomaalidu yihiin kuwo aad ugu kala aragti duwan mowqifyadooda siyaasadeed ayada oo Somalilandna sheeganeyso inay tahay Jamhuuriyad ka madaxbannaan soomaaliya inteeda kale.

Add New Comment