diyaarado Helikopters ah oo saakay si aad ah loogu arkayaa Agagaarka Dekedda weyn ee Muqdisho


  
Waxaa saakay si aad ah loogu arkayaa Agagaarka Dekedda weyn ee Muqdisho diyaarado Helikopters ah kuwaasi oo dul heehaabaya Dhanka Badweynta iyo iyaga oo mararka qaar xeebta soo gaarayey. Diyaaradahaasi dagaalka ee nooca Helikopterka ayaan la ogeyn waxa ay halkaasi ka qabanayaan iyadoo ay noqoneyso diyaaradihii ugu tirada badnaa oo lagu arkay xeebaha Muqdisho, waxaana ay ahaayeen diyaaradahaasi illaa 6-diyaaradood oo nooca Helikopterka ah.
Deegaanka Ceelmacaan ayaa saakay iyana waxaa lagu arkay iyadoo ay kusoo dhowaadeen dhanka Xeebta illaa 4 markab oo aad u waaweyn isla markaasina sida ka muuqata ah kuwa dagaalka inkastoo aanan la ogeyn wadamada
laga leeyahay.Maraakiibtaasi ayaa waxaa kasoo dulkacaya Diyaaradaha Helikopterska iyadoo dekedda weyn ee Muqdisho ay kusoo xiratay labo markab oo aad u waaweyn oo aanan la ogeyn waxa ay wadaan lakin la rumeysan yahay in Maraakiibtasi ay ilaalo ka hayeen.
Dhinaca kale Kalluumeysatada ka baxda Xeebta Liido2 oo kutaalla dhanka Hotelkii Curuba ayaa waxa ay sheegeen in habeenkii xalay Kalluumeysato dhanka Badda u aaday in ay soo kalluumeystaan la qabtay kadibna lasoo garaacay.
Waxaa ay sheegeen kalluumeysatadaasi in uu kusoo dhowaaday diyaarad Helikpoter ah kadibna Ciidamo ay kasoo dageen halkaasina ku garaacay Kalluumeysatada iyaga oo looga shakiyay in ay yihiin kooxaha Burcad badeedka Soomaalida lakin markii dambe la iska sii soo daayay.
Waxa ay sheegeen in ay xeebta kusoo laabteen iyaga oo aanan wax hawl kalluumeysi ah sameysan maadaama Badweynta ay kusugan yihiin Maraakiib dagaal iyo Diyaarado Helikpoters ah kuwaasi oo ay suuragal tahay in ay uga shakiyaan Burcad badeed kadibna ay bur buriyaan iyaga iyo doomaha ay ku kalluumeysanayaan.
Waa markii ugu horeysay oo maraakiibtani lagu arko xeebaha Soomaaliya iyadoo sidoo kale ay noqoneyso hawlgalkii dhowan lasheegayay oo laga dhabeynayo inkastoo dhibaatada xoogeeda uu soo gaarayo Kalluumeysatada looga shakiyo in ay burcad badeed yihiin.

Add New Comment