Nuur Cadde oo u duulay Jabuuti, kuna sii hakaday Muqdisho

 
Ra'iisal Wasaare DFKG Nuur Cadde ayaa maanta u duulay dalka Jabuuti. asagoo kusii hakaday garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, intii uu ku sugnaa garoonka Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in sababta uu
u soo maray Muqdisho ay ahayd inuu salaamo dadka reer Muqdisho. Nuur Cadde ayaa safarkiisa Jabuuti ku fasiray sii ambaqaadidda wadahadalladii nabadda ee u dhexeeyey xukuumaddiisa iyo Isbahaysiga Dib-u-Xoreynta Soomaaliya,mar wax laga weydiiyey sida uu u arko joogitaanka uu Guddoomiyaha Isbahaysiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed joogo
Muqdisho, ayaa wuxuu Ra'iisal wasaaruhu sheegay inay taasi tahay arrin ijaabi ah, qaybna ka ah hirgelinta heshiisyadii ay wadagaareen, uuna aad ugu faraxsan yahay.

Add New Comment