Warbixinta Hubka iyo Kaalinta burcad-badeedda


Warbixintan oo ka kooban 57-bog, ayay Guddiga Kormeerka Cunaqabateynta Hubka ee Somalia, waxay ku sheegeen in dhammaan kooxaha ku hardamaya Somalia, ay si toos ah ama si dadban ugu xadgudbeen cunaqabateynta xagga hubka ah ee saarneyd Somalia 16-kii sano ee lasoo dhaafay, haba ugu sii darnaatee 12-kii bilood ee lasoo dhaafay.

Ilaha hubka

Saddex ilood ayaa warbixinta lagu sheegay inay aasaas u yihiin hubka kusoo qulqulaya Somalia. Matt Bryden, khabiirka horkacayey guddigan, ayaa sharraxaya saddexdaas ilood:

"Midka ugu horreeya waa ganacsiga hubka ee kasoo qulqulaya Yemen. Yemen waa meesha ugu weyn ee hubka looga keeno Somalia. Dolwadda Yemen waxay isku dayday inay wax ka qabato iibka hubka, tan iyo bishii June ee sanadkan, woxoogaa guulo ahna wey kasoo hoysay, laakiin wali hubku wuu kasoo galaa Gacanka Cadmeed.

Isha labaad waa burburka ku yimid hey'adaha ammaanka ee DKMG. Qiyaasteennu waa in labaataneeyo kun oo booliis iyo millatari isugu jira loo tababaray DKMG, afartii sano ee lasoo dhaafay. Laakiin qiyaas ahaan 80% ciidankaasi waa ay ka goosteen DKMG. Arrintan ayaa abuurtay suuq gudaha ah oo laga helo hubka, dareyska iyo waliba khibradaha millatari.

Isha saddexaad waa dhaqaalaha, gaar ahaan marka laga hadlayo kooxaha mucaaradka hubeysan. Waxay leeyihiin nidaam si wanaagsan isugu xiran oo ay dhaqaale ku raadsadaan, iyagoo wax ka hela Somalida qurbaha, Somalida gudaha iyo waliba deeq-bixiyayaal ajnabi ah. Dhaqaalahan waxaa lagu bixiyaa iibsiga hubka, ama xitaa in lagu dhiirri galiyo ciidanka DKMG inay soo goostaan."

Ciidanka Ethiopia

Saddexdaas ilood ka sokow, warbixinta waxaa ku xusan in joogitaanka ciidanka Ethiopia ee dalka Somalia, uu sharci ahaan xudgudub ku yahay cunaqabateynta xagga hubka ah Somalia. Waxaa kaloo la xusay in Ethiopia ay saanado hub ah siiso kooxo Soomaaliyeed.

Inkastoo ay ciidanka Ethiopia kusoo galeen Somalia codsi uga yimid DKMG, haddana joogitaankoodu ma ahan mid ay la ogtahay QM, sida uu leeyahay Matt Bryden.

"Golaha Ammaanku ma oggolaan joogitaankaasi, sidaas daraaddeedna waa xadgudub."

Kaalinta Eritrea

Ethiopia waxaa eeddaas ku weheliya Eritrea, oo sida warbixinta ku xusan si aan kala go'o laheyn taageero ugu fidisa kooxaha kacdoonka hubeysan wada. Tan iyo markii ay caasimadda dalkeeda ee Asmara ku dhistay isbaheysi ay mucaaradku ku mideysan yihiin, Eritrea waxay hiil iyo hoo-ba diyaar ula aheyd hoggaanka isbaheysiga, gaar ahaan xoghayaha difaaca, Sh. Yusuf Siyaad Indhacadde.

Sida warbixinta ku xusan, doomo hub u sida kooxaha hubeysan ayaa marar kala duwan soo gaaray Somalia dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Waxay kaloo Eritrea tababar u fidisay boqollaal ka tirsan ciidanka kacdoonka wada.

Ha yeeshee, warbixintu waxay sheegtay in Eritrea ay taageeradeeda ugu badan u weecisay mid dhaqaale, iyadoo lacago caddaan ah, oo mararka qaarkood gaaraya hal milyan oo dollar siisay kooxaha dagaallama. Dhaqaale-bixinta Eritrea waxaa inteeda badan masuul ka ahaa laanta sirdoonka ee dalkaas.

Waa kuma Max'ed Siciid Atom?

Eritrea ayaa sidoo kale la sheegay inay kooxo kalena hub siiso, waxaana kamid ah malleeshiyo uu hoggaamiye nin la yiraahdo Maxamed Siciid Atom, oo sida warbixinta ku xusan ah nin ka ganacsade hubka.

Waa kan Matt Bryen oo faahfaahin ka bixinaya ninkaas:

"Maxamed Siciid Atom, waxaa lagu sheegay warbixinta, maxaa yeelay wuxuu bariga Gobolka Sanaag ku heystaa malleeshiyo madax-bannaan. Xogta aan helneyna, waxaan rumeysannahay in kooxdiisu ay ku lug leedahay afduubyo, qaraxyo ka dhaacy Boosaaso horraantii 2008-da. Waxaa kaloo laga yaabaa inuu si dadban ugu lug leeyahay burcad-badeedda, wuxuuna hub ka helay ilo kala duwan, oo ay ku jiraan Yemen iyo Eritrea. Falalkani waxay xadgudub ku yihiin cunaqabateynta hubka ee Somalia. Laakiin sida aan hubo inaad ka warheyso, Bariga Sanaag iyo Sool waa goobo dagaalka u nugul, marka joogitaanka ciidan noocan ah wuxuu halis ku yahay nadda iyo ammaanka."

Kaalinta burcad-badeedda

Haddiiba burcad-badeed la soo hadal qaaday, waxaan Matt Bryden weydiiyey kaalinta ay ku leeyihiin xadgudubyada cunaqabateynta hubka. Wuxuu ii sheegay in ka kormeerayaal ahaan, in aaney iyagu dan iyo heello toona ka laheyn dambiga burcadda, balse ay rumeysan yihiin in kooxahaasi ay hub fara badan oo sharci darro ah dalka soo galiyaan.

Sida warbixinta ku xusan, guulaha ay burcad-badeeddu soo hoysay bilihii lasoo dhaafay waxaa ka masuul ah kooxo isla shaqeeya, oo saldhigyo ku kala leh Puntland iyo bartamaha Somalia. Kooxda Puntland waxaa hoggaamiya Faarax Xirsi Kulan oo loo yaqaanno "boyaha," halka kooxda Xaradheere ay hoggaamiyaan Garaad Maxamud Maxamed iyo Maxamed Cabdi Xasan "afweyne."

Inkastoo ay raggani kala beelo yihiin, oo ay xitaa is dagaalleen sanadkii tagay, haddana warbixintu waxay shaaca ka qaadday inay maslaxaddooda ganacsi isku keentay horraantii sanadkan, iyagoo ku heshiiyey inay saldhigyo ka sameystaay degmada Eyl.

Kaalinta Puntland

Ka sokow hoggaanka burcadda, Matt Bryden wuxuu sheegay in guddigiisu ay hayaan xog lagu kalsoonaan karo, oo muujineysa in masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland, oo ay ku jiraan wasiirro, inay gacan saar la leeyihiin burcad-badeedda.

"Xogtanna waxaan u gudbin doonaa guddiga xiga ee kormeerka, si ay kiisas uga sameeyaan shakhsiyaadka la tuhunsan yahay, si ugu dambeynta looga baaraan dago in iyago ruuxooda xayiraad lala beegsado."

Dhaqaalaha hubka lagu iibiyo

Warbixintu waxay sheegtay in dhaqaaluhu uu udub-dhexaad u yahay iibsiga hubka sharci darrada ah. Iyadoo dhinac walba ay leeyihiin hannaan ay lacag ku helaan.

Tusaale ahaan, DKMG waxay hub sharci darro ah kusoo iibsatay lacag 32 milyan oo doollar ah, oo ay sanadkii hore kasoo heshay boqortooyada Sucuudiga. Lacagtaas oo Sucuudigu uu ugu tala galay shir dibu-heshiisiineed oo Muqdisho ka dhacay, ayaa sida warbixinta ku qoran dowladda Sucuudiga xitaa loo sheegi waayey habkii loo bixiyey.

Intaas waxaa sii dheer inay jiraan makiinado lacagaha been-abuurka ah daabaca, oo midkood uu yaallo Guriga Madaxtooyada ee Muqdisho, sida uu sheegayo Matt Bryden.

"Waxaan helnay xog ku saabsan makiinado lacag been-abuuro ah soo saara. Waleeceennu wuxuu yahay in lacagahaas lagu iibsado hub. Dabcan, dhaqaale ku bixinta hubku waa dambi gaar ah. Marka makiinaddaasi waa mid kamid ah tusaalayaashii aan guddiga hordhignay."

Tusaalayaasha uu khabiirku sheegayo waxaa kamid ah in kooxaha Islaamiyiinta ah, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab iyo Jabhadda Islaamiga ah ee Somalia, oo marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaanno JABISO, inay dardar galiyeen mashaariicda lacag uruurinta ee ay ka sameeyaan shabakadda internet-ka, iyagoo sida warbixinta ku xusan xitaa mararka qaarkood soo bandhiga weerarro ay qaadeen, ama qoor-ka-goyn ay ku sameeyeen dad ay sheegeen inay dambi ku heleen.

Waxaa kaloo jira in xubno ka tirsan Isbaheysiga Dibu-Xoreynta, labadiisa garab-ba, ay safarro lacag-uruurin ah ku tagaan dalalka qurbaha.

Lacagahaas ayaa dhammaantood inta badan lagu iibiyaa hub sharci darro ah.

Maxay QM ka qabaneysaa?

Ugu dambeyntii, waxaan Matt Bryden weydiiyey waxa ay QM ka qabaneyso dhinacyada ku xadgudba cunaqabateynta, ka sokow warbixinno dhaadheer oo ay ka qoreysay 16-kii sano ee lasoo dhaafay.

"Waxay ila tahay inay tahay masuuliyadda Golaha Ammanka in xayiraado lagu soo rogo dadka geysta xadgudubyada, si loo muujiyo in beesha caalamku ay ka dhabeyneyso wax ka qabashada la xisaabtan la'aanta, si markaas loo hubiyo in kuwa geysta xadgudubyada ugu daran lala xisaabtamo."

Matt Bryden ayaa intaas ku daray in Golaha Ammaanku uu bishii hore meel mariyey qaraar faraya in xayiraado la saaro shakhsiyaadka ama dowladaha ay ku caddato inay cunaqabateynta hubka ku xadgudbeen, balse wuxuu intaas raaciyey inay muddo dheer qaadan karto in xayiraaddaas lasoo rogo

Add New Comment