Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha DF C/laahi Yuusuf oo ay wadaan qaar ka mid ah xilibaanada Baarlamaanka

Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha DF C/laahi Yuusuf oo ay wadaan qaar ka  mid ah xilibaanada Baarlamaanka

 

Baydhabo:-Waxaa saaka magaalada baydhabo ee xarunta Gobolka bay ka soconaya dhaq dhaqaaq siyaasadeed iyo mooshino ay wadaan xilibaa20081210633644769695781250baydhabo logo.jpgnada ku fikirka ah Ra'iisul wasaare Nuur Cadde, Xilibaana daan ayaa waxaa ay wadaan mooshin ka dhan ah Madaxweynaha DFKM C/laahi Yuusuf Axmed ,iyagoo xilibaanadaan ay doonayaan in xilka Madaxweynanimo ay ka tuuraan C/llaahi Yuusuf Axmed



Ilaa hadda lama yaqaan halka ay gaarsiin doonaa xilibaanadaan wada mooshin ka ka dhan ah C/llahi Yuusuf aXMED balse waxaa muuqata in khilaafkii u dhexee yey Madaxda Sare ee DFKM uu u soo gudbay xilibaanada waxaana saacad kasta la filan karaa Madaxweyne cusub iyo Gudoomiye Baarlamaan cusub.

Waxaa kale oo aan la ogayn qaabka ay dowladaha IGAD ay go'aan midaysan uga qaadan doonaa khilaafka iyo jahwareerka hareeyey Dowladii ay taageersa naayeen oo hadda aad moodo in ay sii burburayso.

Waxaa kale oo la filayey in Madaxweynaha DFKM C/laahgi Yusuf uu hor tago xarunta ADC ee Golaha baarlamanka ,sida uu saxaafad u sheegay gudoomiyaha baarlamaanka Aadan Madoobe ,arinkaas oo ay diideen xilibaanada taageersan C/llaahi Yuusuf waxaan ay ku balameen in madaxweynaha ay kula shirayaan oo kaliya xarunta madaxtooyada ee magaalada Baydhabo

Add New Comment