In ka badan 10 ruux oo ku geeriyootay duqeyn loo geystay degmada Heliwaa

 

Tobaneeyo ruux oo rayid ah ayaa ku naf waayey, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii ciidamada Itoobiya ee deggan Mogadihu Stadium ay madaafiicda BM ka ku garaaceen deegaanno ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ee magaalada Muqdisho xilli qeybo ka mid ah labadaasi degmo uu ka socday dagaalo u dhexeeyey ciidamada Itoobiya iyo kuwa Df oo dhinac ah iyo kooxaha kasoo horjeeda.

Ciidamada Itoobiya ee farisiinku ku leh Mogadihu Stadium ayaa bilaabay duqeyn aad u xooggan oo ay u geydagaal culus.jpgsanayaan deegaanno ay ka mid yihiin Suuqa xoolaha, duleedla qabuuraha Barakaat iyo deegaanada woqooyi ka xiga wadada warshadaha, waxaana dagaalka halkaasi ka socda uu u muuqdaa mid aad u qaraar oo labada dhinac aaney wax isula harin, waxaana wararki ugu damnbeyey ay sheegayaan in illaa 10 ruux oo rayida ah ku dhinteen xaafada loo yaaano Buulo Barey oo ku taala Suuqa xoolaha markii ay ku dhaceen xaafadaasi in ka badan 20 madfac sida dad halkaasi ku dhaqan ay xaqiijyeen, iyadoo tiro kale oo aad u badanna ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkan ayaa wuxuu billowday ka dib markii dagaalyahano hubeysan ay weerar ku qaadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo saaka isku fidiyey deegaanada qabuuraha Barakaat iyo xaafada Tawakal iyadoo wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in dagaalkii uu hadda xoogaa qaboobay inkastoo la maqlayo rasaas oo goos goos, illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada ay dirirtu u dhaxeyso.

Add New Comment