Gaari ay saarnaayen ciidan Itoobiyaan ah oo lagu weeraray Afgooye

 

Afgooye: Waxaa saaka subaxnimadii ka dhacy qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso lagana hago meelaha fog fog lala beegsaday Gaari Ural ah oo ay saar naay een ciidanka Itoobiya,gaariga Uuraalaha ah aqarax itobiya teknik.jpgyaa waxaa uu marayey meel u dhow Warshadii hore ee khudaarta (Itop) ee Degmada Afgooye.

Qaraxa miinadan ayaa waxaa uu burbur xooggan gaarsiiyey gaarigii Uralka ahaa ee ay la socdeen ciidanka Itoobiyaanka  ah, ilaa hadda lama ogaan karo khasaaraha nafeed ee gaaray ciidanka Itoobiya, waana arrin u caado ah ciidanka Itoobiya in aysan sheegi khasaaraha nafeed ee gaaray ciidanka Itoobiya oo hadda ayka muuqato niyad jab.

Goob joogayaal ka agdhawaa gaariga miinadu la kacday ayaa sheegay in ay jiraan khasaaro isku jirta dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidanka Itoobiya walow aan la xaqiijin karin inta uu la'eg yahay.

Ciidanka Itoobiya oo aad u caraysan ayaa waxaa ay gudaha u soo galeen degmada Afgooye, waxaana ay dalbadeen ciidan dheeraad ah oo gurmad ah, xooggag islaamiyiinta ayaa jahwareer iyo deganaasho la'aan ku riday ciidanka Itoobiya oo riyad jab weyn uu ka muuqdo.

Add New Comment