Dowladda Kenya oo sheegtay in ay Madaxweyne Yuusuf ku soo rogeyso cunaqabateyn gaar ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Kenya Moses Wantengula ayaa shaaca ka qaaday in ay dowladdiisa cunaqabateyn gaar ah ku soo rogi doonto Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo uu sheegay in uu caqabad ku yahay geedi-socodka nabadeynta Soomaaliya.

Wasiirka oo wareysi siiyay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in aysan aqoonsan doonin Ra’iisal Wasaaraha cusub ee uu soo magacaabay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, wuxuuna caddeeyay in ay  aqoonsan yihiin Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo uu sheegay in uu ku taagan yahay fulinta go’aanno ka soo baxay Shirkii IGAD.

“Inta aan ognahay Soomaaliya kama jiraan labo Dowladood ee waxaa jira Gole Wasiirro ah oo uu madax u yahay Nuur Cadde, iyo Madaxweynaha oo ah C/llaahi Yuusuf”ayuu yiri Moses Watengula, Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo ugu baaqay in madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ay khilaafkooda xaliyaan.

Hadalka uu sii daayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Moses Watengula ayaa ku soo beegmaya iyadoo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu dorraad sheegay in uu  xil-ka-qaadis ku sameeyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, isla markaana uu maanta soo magacaabay Ra’iisal Wasaare cusub oo ah Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere).

Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa kadib markii ay u caal waayeen xal u helidda khilaafyada madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay soo saareen in mas’uul kasta oo ay u arkaan in uu caqabad ku yahay xal u helidda mushkiladda Soomaaliya ay cunaqabateyn ku soo rogi doonaa

Add New Comment