Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Ra’iisal Wasaare kale u magacaabay Dowladda Federaalka Soomaaliya Dowlad labo Ra’iisal Wasaare leh!

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu magacaabay Ra’iisal Wasaare kale oo ay yeelaneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya oo waqtiga jiritaankeeda ay ka harsan yihiin muddo bilooyin ah.

Madaxweynaha ayaa xafladdii uu kaga dhawaaqayay magacaabidda  Ra’iisal Wasaarahan waxaa uu ka sheegay in isagoo fulinayay ballantii uu qaaday oo ahayd in uu seddex cisho gudahood ku soo magacaabayo Ra’iisal Wasaare uu Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya u magacaabay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere).
Magacaabista Ra’iisal Wasaarahan kale oo ay yeelatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay timid kadib markii uu Madaxweyne Yuusuf dorraad sheegay in uu xilkii ka qaaday Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, inkastoo go’aankiisaas uu ka soo horjeestay Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay codka kalsoonida siiyay Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Laakin waxay su’aali ka taagan tahay Madaxweynaha Baarlamaanka ma hor-geyn doonaa Ra’iisal Wasaaraha cusub ee magacaabay, weliba isagoo og in Baalamaanka uu codka kalsoonida siiyay Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ee uu sheegay in ay sharci ahaan dhacday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan waxay u muuqataa mid cagta saartay dhabihii burburkeeda, waxaana iska cad in madaxda sare ee Dowladda uu mid kasta ugu dhaqmayo Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya sida uu isagu rabo.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa la eegayaa jawaabta ka soo baxda shirar labo ah oo ay maanta New York ku yeelanayaan Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee International Contact Group (ICG) iyo Qaramada Midoobay, kuwaasi oo looga hadlayo xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan Wada hadalladii Jibouti, Qalalaasaha Siyaasadeed ee ay gashay Dowladda Federaalka iyo weliba Burcad Badeedka Soomaalida.

Add New Comment