Xukuumada Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde )oo lagu dhaariyay magaalada Baydhabo

Xaflad lagu qabtay Hoteelka weyn ee Bakiin ayaa waxa lagu dhaarinayay wasiiradii dhawaan uu soo dhisay ra'iisal wasaaraha dowlada Soomaaliya, taasi oo ay ka soo qayb galeen munaasabadaasi  mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya oo uu hogaaminayay gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee barlamaanka Somalia Cusmaan Cilmi Boqorre.

 Hoteelka Bakiin oo ah halka uu  ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu ka degan yahay magaaladaasi ayaa waxa lagu dhaarshay tiro wasiiro iyo wasiiro xigeen isugu jiray kuwaasi oo lagu soo badelay xubnihii horey xil ka degista ku dhaqaaqay mar ay la safanayeen madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Dhaarinta xukuumada uu hogaamiyo Nuur Cadde ayaa ka dambeysay ka dib markii maanta ay aqlabiyad ku meel mariyeen xildhibaanada Somalia maalin ka gadaal markii maalintii shalayto ahayd madaxweynaha dowlada federaalka uu ku dhaqaaqay go'aan uu ku sheegayay in shaqadii uu kaga joojiyay R/Wasaare Nuur Cadde.

Xukuumad KMG ah ee Somalia ayaa cod aqlabiyad leh maanta ka heshay Baarlamaanka soomaaliya kaddib markii Xildhibaanada dowlada federaalka ku meelka ah ee Somalia ayaa maanta kulankoodii ay ku yeesheen xarunta ADC-da ee magaaladaasi Baydhabo waxay ku ansixiyeen cod aqlabiyadi ay ku jirto sii shaqaynta xukuumada uu hogaamiyo Nuur Cadde.


Guddoomiyeha Baarlamaanka soomaaliya  sheikh Aadan Madoobe ayaa ka sheegay madasha Baarlamaanku isagu yimid saaka in ay qalad wayn tahay xil ka qaadistii Madaxweynuhu ku sameeyay Ra’iisal wasaaraha soomaaliya Mudane Nuur cadde.

Xukuumada Nuur cadde waxay ku guuleysatay markey furtay irid cusub oo hanaan dib u heshiisiineed ah iyadoo dhawaan heshiis la saxiixatay Isbahaysiga dib u xoreynta  garabka fadhigiisu yahay Jabuuti kaddibna hoggaamiyahoodii Sh. Shariif  ku soo dhaweysay in uu kasoo dego garoonka Aadan cabdulle ee  Magaalada Muqdisho.

Soomaalida degan Muqdisho waxay Dibadbaxyo waaweyn ay ka dhigeen Magaalada Muqdisho iyo meelo ka mid ah gobolada dalka ayagoo si wayn u taageeray hanaanka dib u heshiisiinta ee uu hormuudka ka yahay R/wasaare Nuur Cadde.

Add New Comment