Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Cod Aqlibad ah ku ansixiyay Xukuumadda uu hogaamiyo R/wasaare Nuur Cadde

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya shir deg deg ah oo ay manta ay isugu yimiduuna uuna shir gudoominaayay Gudoomiyaha Baarlamaan Soomaaliya Sheekh Aadan maxamed Nuur (Madoowe) ayaa cod buuxa oo aqlibiyad leh ku ansixiyay Xukuumadda uu madaxda ka yahay RW Dowlada Soomaaliya Nuur Xasan Xusen(Nuur Cadde).

RW Nuur Cadde   Qudbad dheer uu kasoo jeediyey kulankaasi waxa uu si weyn kaga hadlay waxyaabihii ay isla soo mareen madaxweyne Cabdullaahi iyo isaga, iyo khilaafkii baaxada lahaa ee soo kala dhaxgalay isaga iyo Madaxweynaha, wuxuuna Nuur Cadde sheegay in isku dayo badan la isku dayay in lagu dhameeyo lagu guuldaraystay, iyadoo ay isku dayeen dowladaha deriska la ah Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Nuur Cadde waxa kale oo uu ka sheekeeyay in khilaafkaasi uu  sababo in madaxweynaha yiraahdo waa dhacday Xukuumadaadii, sidaasi darted wuxuu ka codsaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay iyagu go’aan ka gaaran khilaafkaasi, sharcigana ay waafajiyaan.

Kulankaan deg deg ah oo ay maanta ku yeesheen Baarlmaanka Soomaaliya Xaruntooda magaalada Baydhabo ayaa waxaa xaadiray kulankaasi 170-Xildhibaan, iyagoo si qoto dheer uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo marxalada uu dalku maraayo, waxeyna si weyn uga doodeen go'aankii  shalay ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer kadib waxaa cod buuxa loo qaaday Xukuumada cusub ee uu soo dhisay R/Wasaare Nuur Cadde, waxaana cod buuxa ku ansixiyay inay sii shaqayso Xukuumadda Nuur Cadde 143-Xildhibaan, halka ay diideen 20-Xildhibaan, waxaana ka aamusay 7-Xildhibaan.

Gabagabdii waxaa shaaciyay in Xukuumadda ay sii shaqaynayso Gudoomiyaha Baarlamaan Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo cadeeyay inay cod aqlibiyad ah heshay xukuumadda Xasan Cadde islamarkaana ay xaq u leedahay in ay sii shaqayso.

Add New Comment